Gudiga doorashada u qaabilsan Ismaamulka Tigreega ayaa xaqijiyay in 6 kamid ah 11 musharax ee u taagan xilka madaxtinimada ee heer deegan ay ka baxeen doorashada sida uu sheegay Merese Tsehay oo ah madaxa gudiga doorashooyinka ee degaankasi.

Ataklti Haile oo kamid ah Musharaxinta doorashada heer deegan ayaa shegaya in doorashada ka dhici doonto Ismaamulka Tigreega ay tahay mid aan la sadalin karin sida u hadalka u dhigay xili uu la hadlayay idacaada BBC.

Ismaamulka Tigreega ayaa doorasho heer deegan ah qaban doono bisha soo socota ee September, waxaayna dowlada federalka sheegtay inay aqbali doonin natiijada kasoo baxda doorashadaas.

Halgan Media.