MWararka laga helayo gobolka Fafaan ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Awbarre ee gobolkaasi.

Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso dadka degaanka iyo mamuulka magalaada Awbarre.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaaladaasi, kadib markii Booliska ay dad shacab Ku layeen magalaada shalay. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan magalaada Awbarre ee gobolka Fafaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.