Warar goor dhow naga soo gaaray gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya In dagaalyahanada katirsan ururka Al Shabaab ayaa qoys dhan si bareer ugu dhex toogtay guri ay daganayeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo kamid dadka degaanka oo daqiiqada ka hor khadka telefonka kula hadlay Halgan Media ayaa xaqiijiyey in saaka xili aaroor ah ay Al Shabaab weerar gadaamo ku qadeen tuulada Dheyba ee katirsan gobolka Bay.

Xiliga uu weerarka socday waxa la xaqijiyay in dagaalamayasha Al Shabaab ay u daateen Guri ku yaala tuulada Dheyba oo ay deganayeen Qoys dhan, kadibna markii ay albaabka hore gudaha uso galeen ayey rasaas bilabeen, waxayna islamarkii toogteen walida guriga degnaa. Markas ayey qolka u galen wiil yar oo saqir ah oo ay rasaas ku fureen, taas oo keentay In uu wilka saqirka hore ka dhinto.

Dadka la dilay oo katirsan qoys oo gaarayo ila sedax qof waxay kala yihiin nin la yirdha “Yaasin Maxamed Idbdow” iyo xaaskiisa “Sayma Manuur” iyo cunug saqir oo ay dhaleen oo lagu magaabi jiray “Ismacil Nuuha Eethang” sida u Halgan Media u xaqiijyey ilo wareedyo kamid ah dadka degaanka oo diiday inaan magacooda shacino sababa amni awgeed.

Maxay Tahay Sababta Ka Dambeeysa Ee loo Beegsaday Qoyska? 

Sida aan xogta ku helnay Allaha unaxriistee “Yasin Maxamed Ibdow” wuxuu kamid ahaa dhalinyarada kasoo jeedo Koonfur Galbeed oo wada abaabulka iyo dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, isago oo marar badan gacan saar la lahaa Maleeshiyad kasoo jeedo degaanka oo dagaal kula jiray Al Shabaab, wuxuuna ku hoyan jiray degmada Berdaale ee katirsan isla gobolka Bay, si uu uga gabado dagaalmayasha katirsan Al Shabaab.

Haase yeeshay Allaha unaxriistee “Yasin Maxamed Ibdow” ayaa safar qarsoodi ku tagay tuulada Dheyba, si uu la kulmo xaskiis iyo wilkiisa balse Al Shabaab ayaa xogtis heshay, wayna ogaadeen In uu ku sugnay guriga ay qoyskiisa ku lahayeen, waxaana ay taasi keentay in ay Al Shabaab kuso dataan guriga uu ka degnaa tuulada Dheyba, ayna qarijiyaan isaga iyo qoyskiis oo dhan.

Halgan Media