Warar hordhac ah oo naga soo gaaray gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in hoggamiye kamid ah ururka hubeeysan ee Xarakada Al Shabaab uu caawa ku sugun qeyba kamid ah gobolka Bay.

Sida aan Xogta ku helnay, Maanta abaara 14:30 waqtiga bariga Afrika waxa tuulada Gasarta oo hoos taaga degmada Burhakaba soo gaaray 80 niin oo aad u hubeeysan, kana tirsan dagaalyahaanada Al Shabaab, waxaana ciidamadani hoggaminaya sarkaal la yirdha Cismaan Dheere oo kamid saraakisha Al Shabaab u qabilsan howlgallada lugta.

ilo wareedka oo diiday inaan magaciisa shaacino Sababa la xiriira Amnigiisa awgood ayaa Halgan Media u xaqijiyay in sargaalka loo yaqaano Cismaan Dheere u asal ahaan kasoo jeedo gobolka Shabellaha Hoose, kana mid ah saraakisha hoggaminayay weerarada lagu qaaday xerada ay ciidamada xogga ku leyihiin degaanka Ceel-Salini ee gobolka Shabellaha Hoose tariikhdu markii ay ahayd 20ka biisha February ee sanaadkii hore ee 2020, taaso sababtay in la dilo in ka badan 30 askari.

Dagaalyahanada katirsan Al Shabaab oo galabta soo gaaray tuulada Garsata  ayaa ku hoyday isla tuulada Garsata oo udhow degmada Burhakaba hadaba su’aasha waxay tahay, muxuu yahay ujeedada ?

Ilo xogogal ah ayaa Halgan Media u sheegay in ay surugal tahay in dagaalayahanada Al Shabaab oo kuso qul quulayo tuulada Garsata ay surugal tahay in ay weerar ku qaadan xerada ciidanka xogga dalka ay ku leeyihiin degmada Daynuunay oo qiyaastii 30KM u jirto Garsata.

Halgan Media