Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay leyihiin Militariga Kenya ay kasoo degtay garoonka Degmada Ceelwaaq.

Ilo lagu kalsoon yahay oo deeganka kusugan ayaa Halgan Media u xaqijiyay in saraakil katirsan militariga Kenya ay kasoo degteen garoonka, kadibna kulan kula qateen qaar kamida odayaasha Iyo guddomiyaha Degmada Ceelwaaq.

Sida aan xogta ku helnay, odayaasha ayaa si kulul ula hadlay Sarakiisha Kenyanka ah ayaga oo ka carooday xasuuqii ay shalay u geysteen dadka rayidka ah ee ku dhaqan tuulada Yado oo hoos timaado Degmada Ceelwaaq.

Xog hoose ay heshay Halgan Media ayaa sheegaysa in guddomiyaha Degmada Ceelwaaq oo ku eedeyay sarakiisha Kenyanka ah in ciidamado katirsan Militariga Kenya oo aan ku jirin howlgalka AMISOM ay ka dambeeyen weerarkii lagu qaaday tuulada Yado ee hoos timaado Degmada Ceelwaaq.

Islamarkii waxaa dhacday in sarakiisha Kenyanka ah ayka caroodeen hadalka guddomiyaha degmada Ceelwaaq, kadibna ayka dhaqaaqeen goobta uu shirka ka socday sida aanka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay.

Halgan Media.