War goor dhawayd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in shacab aad u cadhaysan oo kasoo kicitimay tuulooyinka iyo deegaamada ka tirsan ismamuulka Tigreega ayaa xidheen jidka isku xidha magaalooyinka Maqaale iyo Samre.

Wararkan ay Halgan Media heshay ayaa tibaaxaya in isku socodkii magaalooyinkan ay guud ahaan joogsadeen maanta, gaadiidkii jidkan mari jirayna hakadeen. Shacabkan gadoodan oo ka cadhaysan sida naxariis darrida leh ee ismamuulka Tigreega shacabka ku mamuulan.

Ismamuulka Tigreega ayaa Itoobiya inteeda kala xidhan waxayna soo dhaxmaraan gobolka Amxarada oo waayahan danbe isku dhacsanyihiin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.