Warar hordhac oo goor dhow naga soo gaaray magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in uu geeriyoday Korneel Axmed Cilmi Samater oo ahaa taliyaha hore ee sirdoonka Somaliland.

Waa Kuma Axmed Cilmi Samater ?

Axmed Cilmi Samater ayaa kuso biray Nabad Sugida Soomaaliya ee NSS-ta 1975kii, wuxuuna dareejada Nabad Sugida ka gaaray ila Korneel, isaga oo noqday taliyaha Nabad Sugida u qabilsan gobolka Mudug, kadibna gobolka Nugaal xiliga dowlada Kacaanka.

Korneel Axmed Cilmi Samatar ayaa ka tagay shaqada oo u hayay Nabad Sugida Soomaaliya ee NSS-ta, kuna biray jabhada SNM oo xiligaas ka dagaalami jirtay Waqooyiga Soomaaliya, kadib markii ay Dowlada Kacaanka duqeysay, dhulka lana siintay magaalada Hargeysa markii tariikhdu ahayd bishii May ee 1988kii.

Burbuurkii Soomaaliya ee 1991kii, wuxuu Korneel-ka kamid noqday saraakiisha maamulka cusub ee Waqooyiga Soomaaliya ee la magac baxay Somaliland, wuxuuna Korneel Axmed Cilmi Samatar ahaa agaasimaha sirdoonka ee Somaliland intu u xilka madaxweynenimada Somaliland hayay Madaxweyne Ibrahim Igal.

Kadib geerida madaxweynaha hore ee Somaliland, Ibrahim Igal ayaa waxa Korneel Axmed Cilmi Samatar loo magacabay jagada taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland xilligii madaxweyne Daahir Riyaale Kahin

Innalillah Waa Ina illeyhi Rajicuun

Allahu Naxariisto Korneel-ka

Halgan Media