Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa ku eedeeysay ciidamada ammaanka ee itoobiya dilal sharciga ka baxsan, xarid iyo jirdil ay geystaan.

Warbixin lagu xusay tacadiyadii Itoobiya ka dhacay 2019 oo ah isla sanadkii rai’sul wasaare Abiy la gudoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel peace prize.

Abaalmarintaasi ayaa ahayd mid loo siiyay dadaalada isbadalada ee uu dalkaasi ka hirgaliyay.

Hay’adda xuquuqu insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in tan bishii janaayo ee sannadkii tagay gobolka Oromiya lagu dilay 39 qof oo ay ka mid ahaayeen afar qof oo hal qoys ka tirsan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in dilkaasi ay geysteen cutub ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya kuwaasi oo loo aasaasay iney la dagaalamaan jabhadda OLF oo ah jabhad ka howlgasha gobolka Oromia.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in taageerayaasha OLF la xirxiray iyadoona dhaqan celin loo sameenayay.

Amnesty ayaa diiwaangalisay doorkii ay ciidamada amniga ku lahaayeen dagaalkii qowmiyadaha ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee ku yaalla waqooyi bari dalkaasi.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ugu yaraan 130 qof lagu dilay shaqaaqooyinkaasi u dhaxeeyay qowmiyadaha Amxaarada iyo Qimant.

Maleeshiya hubeysan ayaa la dagaalamayay qabaa’ilka Qimant, iyadoona milatariga ay saldhig ku lahaayeen goob halkaasi u dhow islamarkana aysan wax tallaabo ah qaadin.

Halgan Media.