Hay’ada xuquuqda aadamaha udooda ee Human Raght Watch (HRW) ayaa soosaartay warbixin aad udheer oo ay kaga warbixisay dhibaatooyinka aan xadka lahayn ee galbeedka Oromia kasocda maalin iyo habeenba.
Hay’ada Human Right Watch (HRW) ayaa xukuumada Abiy Ahmed ku eedaysay inuu ciidamada Dowlada awood buuxda usiiyeen xasuuqa shacabka, waxayna sii sheegen in xukuumada Abiy Ahmed gabi ahaanba isgarsiinta ka jaray galbeedka Oromia, waxaayna sheegen maa jiro qorsho lagula talagalaay in isgarsiinta loo soo ceeliyo degaanadas.
Hay’ada HRW iyo hay’adaha kale ee xuquuqda aadamaha udooda ayaa si isdaba joog ah usoo saara dhaliilaha ay kuhayaan Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, igayoo ifiya dhibaatooyinka shacabka lagu hayo.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.