Ugu yaraan 30 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay halka 40 kalana ay dhaawacmeen kadib weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay bariga dalka Afghanistan.
Weerarka oo ay geesteen ciidamada dowladda Afghanistan oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa ujeedku ahaa lagu bur buriyo xarumaha dagaalamyaasha Isis.
Balse sadax kamid shaqaalaha dowladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in si lamafilaan ah weerarka loola eegtay beeraleey halkaasi ka agdhawaa.
Shohrab Qaderi, oo xubin ka ah golaha gobolka ayaa sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha lahayn ay dileen 30 ruux oo shaqaala ah halka 40 kalana ay dhaawaceen.
Wasaaradda gaashaandhiga ayaa weerarka xaqiijisay, balse waxa ay diiday in ay faahfaahin ka bixiso waxyeeelada uu gaystay.
Dowladda Mareykanka ayaa dhankeeda wali war kasoo saarin weerarka.
Sidoo kale weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay koonfurta gobolka Zabul, ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.