Xog hoos ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in ay Taliska Itoobiya wakiil cusub u magacowday mamuulka Somaliland oo ka taliyo gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, ilo diblomasiyeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in Sicid Jibril oo haatan u magacaban guddomiyaha ku xigeenka Jamacaada Hargeysa ayey dowlada Itoobiya u magacowday wakiilkeda.

Go’aanka cusub ay qadaatay dowlada Itoobiya ayaa dhalilay su’aalo badan, taas oo shaki badan geliysay bulshada Soomaaliyeed, balse waxa la yab noqoday in wakiil loo magacabo guddomiyaha ku xigeenka jamacaada Hargeysa.

Taasi waxay ku cadenaysa inay jiran Jawasis iyo basaasin oo asalkooda Soomali ah iyo ku dhex nool bulshada Soomaaliyeed balse u adeegayo dalaal shisheeye ay kamid yihiin cadowga Itoobiya.

Halgan Media.