Ciidamada Itoobiya oo howlgallo kadhan ah kawado kacdoon wadaayasha kasoo jeedo qomiyada Oromada ayaa xasuuq bahsan ka wado bariga Oromia sida ay sheegtay hayada Ethiopian Human Rights Coalition (EHRC).
Ciidamada Dowlada ayaa Degmada Deder ee gobolka Hararge ku dileen Ahmed Sadik oo kamid ahaa dadka degaanka, dhinaca kale ciidamada dowlada ayaa qof shacab ah ku dilay tuulada Fechatu, waxaana magacisa lagu sheegay Gamada Dina sida ay hadalka u dhigtay hayada EHRC.
Dilalka kaso cusbonaaday gobolka Oromada ayaa kuso beegmaya xili ay doorasho ka socoto ismamuulka Tigreega.
Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.