Barlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay in la qabto doorasho heer federal ah, balse ma aysan shaacin waqtiga la qaban doono, waxayna sheegen in doorashadani ay noqon doonto midii 6aad ee laga qabto dalkaasi.

Doorashada ayaa la rabay in la qabto 29ka bishii August ee sanaadkan Lakiin dib ayaa loo dhigay madaama uu dalka aad ugu fafaay cudurka Coronavirus sida ay sheegtay dowlada federalka Itoobiya.

Dad badan oo falanqeeyo siyaasada Itoobiya ayaa amiinsan Go’aanka cusub ee ka soo baxay barlamaanka u yahay mid wato qorsho guracan oo lagu badbaadinayo xukuumada Abiy Ahmed oo Ku fashilantay xukunka dalka.

Sido kale cules siyasadeed oo caadi ahayn ayuu la kulmay RW Abiy Ahmed kadib markii ay Ismaamulka Tigreega qabteen qorsha ka madaxbanaan dowlada dhexe, taas oo mujineysa awood la’aanta RW Abiy Ahmed.

Halgan Media.