Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Iley laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huoteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa, kadib markii ciidamada oo xabsi guri uu ku jiray Cabdi Iley ka soo saaray,

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa sheegay in Cabdi Iley loo heysto gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Cabdi Iley wuxuu ahay wakiilka gumeysiga u qabilsan Ogadenia iyo waxaa loo heysta inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar.

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka kusheega Jigjiga ay Cabdi Iley xasaanadda kala noqdeen. Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah.

  • Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii mamuulk kusheega Jigjiga
  • Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta
  • Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha
  • Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii JigJiga

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media