Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka ururka Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan markii ay heleen xog ku aaddan xubnahan la qabtay.

Howlgalka lagu soo qabanayay Labadan xubnood ee ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa ahaa mid qorsheysan, kaas oo aysan cidina wax ku noqon, waxanay hay’addu fartay Bulsho weynta Soomaaliyeed inay ku Garab istaagaan difaaca Shacabka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.