Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya in shacabka joogo degmada Tuuliguleed waxaay qabteen gaadhi Koontorobaan ah oo ka yimid dhanka Borama ee Waqooyoga Soomaaliya, kuna socday degmada Jinacsani.

Gaadhiga waxaa iska lahaa Oromada, wuxuuna soo maray tuulada JAARRE oo 9km u jirta degmada TULLIGUULEED, waxaana laga xukumaa Degmada Awbarre ee gobolka Fafaan.  Gaadhiga waxaa watay laba nin oo Somali ah kaso jeedo gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya iyo nin Jarso Oromo ah.

Waxay damceen inay Gaadhiga xoog ku mariyaan iyo dhaafaan degmada Tulliguuleed, waxaase rasaas kufuray Gaadhigii shacabka Tuuliguleed oo aad u hubaysan, wayna qabteen gaadhiga.

Waxaa ku dhaawacmay labada nin oo Somali, waxaana ku dhintay ninka Oromada, Gaadhigiina wuxuu hada yaala degmada Tuuliguleed. Dhammaan gawaadhida soo marta ama lagu qabtay degmada Tuuliguleed waxay ka yimaadaan magalaada Borama ee Waqooyiga Soomaaliya, waayna sidaan hub iyo saanad, laakiin kan maanta wuxu siday koontorobaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.