Warkan ayaa sheegaya in ciidanka booliska Federaalka ee Itoobiya uu soo xidh xidhay 208 qof oo lagusoo eedeyay dilkii iyo boobkii baahsanaa ee dhawaan ka dhacay xaduudka udheexyo ismaamulka Benshangul iyo ismaamulka Oromada.

Dadkan lasoo qabqabtay ayaa la tuhunsan yahay in ay gacan ku lahaayeen falalkii xumaa ee ka dhacay deegaankan. Dhinaca kale waxay wararku sheegayaan in xadka u dhexeeya Gobollada Oromiya iyo Benishangul Gumuz lagu laayay ciidan Oromo ah oo aad u tiro badan.

Arintan ayaa salka ku haysa rabshadaha soo noqnoqonaya ee u dhexeeya qawmiyadaha kala duwan ee deegaankan ku wada dhaqan oo isir nacayb iyo karaahiyo badan ay saamaysay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.