Wararka nagasoo gadhaay galbeedka Ogadeniya gar ahaan gobolka Shiniile ayaa sheegaya inuu dagaal xoogan shalay ka dhacay degmada Ma’aayso.
Dadka kudhaqaan degaanka ayaa Halgan Media u sheegay inay maleeyshiyaadka Canfaarta weeraren degmada Ma’aayso iyo rasaas kufureen dad rayid oo waxba galabsanin. Ugu yaraan waxaa la dilay hal Qof oo Somali ah iyo sedax kale oo dhawaac garaay siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Maahan markii koobaad ee maleeyshiyaad kasoo jeedo Qomiyadaha Canfaarta ama Oromada ay weeraro noocan oo kale oo isugu jira dil, dhac, iyo qafaalasho ay u gaystaan shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqaan degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.