Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo Al Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyhiin degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka oo ku bilawday Madaafiic ayaa la sheegay in lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee ku yaalla Garoonka degmadaasi Baardheere.

Waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo labada dhinac ku dhexmaray gudaha degmadaasi.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in Madaafiic ay la beegsadeen Saldhigaasi ee ciidamada Itoobiya ku leyihiin BAardheere, sida ay hadalka u dhigeen.

Maalmihii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.