Maanta oo taariikhdu tahay 22kii biisha Febrayo waxay ku beegan tahay 26 sano kadib xasuuqi ka dhacay magaalada Wardheer markii ay ciidamada Itoobiya xasuuqeen in ka badan 80 qof oo shacab ah markii ay isku dayeen inay geeri ama nolol ku qabtan Gudoomiyaha Onlf xiliga Allaha u Naxariisto Sheekh Ibrahim Cabdallah

Maalintan madowga oo xanuunka badan ayaa sababay inay Jabhada ONLF qoriga qaataan, islamarkii ku dhawaaqaan Halgan hubeysan oo ka dhan ah Gumaysiga Itoobiya

Hadaynu nahay Bahda Halgan Media waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu Jannah Fardowsa ka waraabiyo qof walba oo ku shahiiday Xasuuqii ka dhacay magaalada Wardheer.

Shabakada Halgan Media