Wararka nagaa soo garaay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegay in weerar xoogan lagu soo qaaday ciidamada Itoobiya mel u dhow degmada Luuq ee gobolkaasi.

Siida aan xogta ku helnay Kolonyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya ayaa qarax la kulmay kadib markii ay gaadhigood dhul maray Miino dhulka lagu aasay, islamarkii waxaa ciidamada Itoobiya jidka u galaay dagaalyahaan katirsan Al Shabaab.

Khasaara ka dhashay weerarka weli maa caada balse ururka ay sheegtay masuuliyada weerarka ayaga oo qooral kuso bandhigay shabakada Halgan Media.

Dhinaca kale ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay in wax yar kahor hawaada lagu arkay laba Diyaardo loo yaqaano Helicopter oo ku dhul marayay degmada Luuq.

Waxaana laga yaaba inay Diyaraadaha lahayeen Dowlada Itoobiya madaam ay Itoobiya saldhig aad u weyn ku leyihiin degaankasi luuq.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.