Wararka hadda nagasoo gadhaya waxaay sheegayaan in magalaada Diridaba ee gobolka Shiniile xaalad degdeg ah lagu soo rogay saacado ka hor kadib markii ay Oromada weraar kuso qaaden shacabka Somalida magalada kunool iyo dad farabadan layaay.

Xalada ayaa ilaa shalay aad u qasnayd, balse haatan way yar dagan dadkuna dhaqdhaqaaq ayay bilabeen. Khasaaraha walina si dhab ah looma qiyaasi karo, waxaana jira dhawr guri ah oo la gubay. Xalaada guud ahaan waa muuqaal colaadeed oo qasan, lamana saadalin karo shacabka, welwel badan ayay qabaan.

Weli maa jiro wax gurmaad oo gadhay magalaada Dirdaba. Shacabka Somalida kunool magalada waxaay daremayaan cabsi aad uu badan. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.