Jeneral Berhanu Jula oo katirsan Ciidamada Federalka Itoobiya ayaa maanta shir jaraaid wabtay, islamarkii la hadlay warbahiinta, wuxuuna Jeneralka Qiray inay Dowlada Federalka khadka iyo isgaarsinta ka jareen galbeedka Oromiya.

Wuxuuna sheegay ujeedada ay ka leeyihiin, ay tahay siidi loo fuduudeeyo howlgallada ka dhan ah Jabhada Oromo Liberation Army (OLA) oo kasocod gobolka Wollega oo katirsan galbeedka Oromiya.

Siido kale Jeneralka Berhanu Jula ayaa beenayay inay ciidamada Dowlada dileen ama tacadiyo u geysteen dad shacab ah xiligi uu howlgallada socday.

Jabhada Oromo Liberation Army (OLA) waa garabka ka Go’ay Jabhada Oromo Liberation Front (OLF), kadibna markii ay Jabhada OLF heshiish la galeen Dowlada Federalka Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.