Taliyihii hore ee NISA, Gen. C/raxmaan Tuuryare ayaa ka hadlay dhacdadii Xabsiga Dhexe, taasoo waji-gabax ku noqotay dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo, oo horey loogu eedeeyay inay ku fashilantay amniga dalka.

Tuuryare wuxuu sheegay in xogo uu helay uu ku ogaaday in Maxaabiista weerarka gaysatay ay adeegsadeen biskoolado iyo bambaanooyin loo sii diyaariyay maalmo kahor, islamarkaana aan ka dafiri karin inuu weerarka ahaa mid lasii qorsheeyay, oo madax sare ku lug lahaayeen.

Wuxuu intaasi ku daray in baaritaanka la sheegay inay Xukuumadda ku sameynayso falkan uu yahay mid been ah, oo shacabka la doonayo in lagu marin-habaabiyo, maadaama dhacdooyinka kuwa ka daran oo horey u dhacay baaritaankooda wali waxba kasoo bixin.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha xisbiga Wadajir horeyna uso noqday wasirkii qorsheynta xiligii dowlada kumeelgaadhka Cabdirahman Cabdishakur oo shir jaraaid kuqabtay xarunta xisbiga uu hogaamiyaha kayahay kahadlay arimo xasaasi ah dhinacyo badana taabanaya.

Cabdirahman Cabdishakur ayaa hey’adda sirdoonka Soomaaliya (NISA) si cad ugu eedeeyay in ay kadambeyeen weerarkii kadhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar taas oo sababtay in ay kadhashaan dhimasho badan iyo in ay xabsiga kabaxsadan xubno katirsan ururka hubeysan ee Al Shabaab.

Intii uu maamulayay hey’adda sirdonka Soomaaliya ayaa waxa soo ifbaxayay eeden loo jedinayay Fahad Yasin oo laxiriirta in uu jiro wada shaqeyn udhaxeysay hey’addaha dowliga ah iyo ururka Al Shabaab, taas oo Soomaali badan kamuujiyen walaac aad ubadan.

Halgan Media.