Ismaamulka Tigreega ee Waqooyi Itoobiya ayaa si cad u beniyay eedeymo kasoo baxay Ismaamulka Axmaraada kuna aadan in 60 askari ka gosteen gobolka Tigreega, kadibna u baxsaden Ismaamulka Axmaraada.

Hadush Kassa oo ah sarkaal katirsan kooxda TPLF ayaa sheegay in eedymaha kasoo baxay ismamuulka Axmaraada ay yihiin mid aan sal iyo rad laheen.

Wuxuuna sii sheegay buunbuninta ay wadan Ismaamulka Axmaraada waa mid lagula talagalay in qal qaal la geliyo doorashada soo socota oo ka dhici doonta degaankooda bisha September.

Mudadii u dambeysay xiisad xoogan oo Udhexeeysay Tigreega Iyo Axmaraada ayaa jiray oo ku salaysan siyaasada dalka iyo doorashada heer degan ay qaban doonan mamuulka Tigreega.

Halgan Media.