Wararka ka imanaya wadanka gumeysiga Itoobiya ayaa sheegaya in booliiska dalkaasi ay qabteen lacag doolar ah. Lacagtani oo dhanayd malaayiin doolar ayaa lagu qabtay howlgal ay hormuud ka ahaayeen sirdoonka gumeysiga  Itoobiya.

Waxa sidoo kale ay booliiska gacanta ku soo dhigeen hub fara badan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in hubkaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey gudaha iyo daafaha itoobiya,isla markaana ay gacanta ku hayaan dadkii watay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in baaritaano ay ku hayaan lcagtaas malaayiinka dollarka ah iyo dadka watey iyo sidoo kale hubka faraha badan,waxaana arrintaan ay ku soo aadeysaa xilli dagaalo u dhaxeeya Oromada iyo soomaalida ay ka socdeen xadka Ogadenia iyo Oromia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.