Golaha Wasiirada Jubbaland oo Warsaxaafadeed ka soo saarey Xaaaladda soo noqnoqotey ee ah burburinta hantida Shirkadda Hurmuud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Xuduudda ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ka dib markii ay shir deg-deg ah is kugu yimaadeen golaha Wasiirada dowlad-goboleedka Jubbaland warbixina looga dhageystay guddi-gii heerka Wasiirro ahaa ee loo xilsaarey inay soo baaraan dhibaatadii ka dhacdey deegaanada ku teedsan xudduuda Kenya.

Shirkaan oo uu ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka 1 aad ahna kusimaha Madaxweynaha dowlad-gobleedka Jubbaland,shirkaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta waxaa looga doodey dhacdadii ka dhacdey Tuulada Cali Buuleey ee hoos tagta deegaanka Dhoobley Taariikhdu markii ay ahayd 13/08/2018.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.