Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Oromada xalay weerar kusoo qadeen tuuloyinka udhow degmaada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Tuuloyinka kala ah Jirri, Godane, Golosaawe iyo Gubadlay kamid degmada Tuliguuleed ayey maleeyshiyaadka Oromada weerar xoggan kuso qadeen. Dhanka Somalida ugu yaraan waxa la dilay laba qof iyo laba kale ayaa dhawaac gadhaay siidi ay sheegan goobjoog kusugaan gobta oo dagaalka ka dhacay. 

Shacabka Somalida la dilay waxaa kamid ah Maxamed Ibrahim iyo Farax Cabdillahi. Dhalinyaro kale la yidhaho Ahmed Yassin ayaa kamid labada ruux oo dhawaac gadhaay.

Sidoo kale dagaalka waxa lagu qabtay hal qof kamid maleeyshiyaadka Oromada iyo ila hada gacaanta waxa kuhaayo Shacabka Somalida oo hubaysan oo kusugaan degmada Tuliguuleed iyo nawaxigeeda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.