Madaxweyanaha dalka Mareykanka Donald Tump ayaa maanta Safasiir cusub oo u soo magacaabay Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo xafiiska madaxweyne Trump ayaa Safiirka Xukuumadda Washington u fadhin doona Soomaaliya loogu magacaabay Donald Yamamoto.

Mr Yamamoto ayaa ah Diblomaasi sare oo horay xilal dhowr ah uga soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dakaasi, waxaana u soo noqday Safiirka Mareykanka ee Ethiopia intii dhexeysay sanadihii 2006-kii illaa 2009-kii.

Ergayga Cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay Donald Yamamoto ayaa haatan ahaa Madaxa qeybta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Africa.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.