Wararka naga soo gaaraya dalka ingriiska ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh ku dhacday jaaliyada Soomaalida ku dhaqan magaalada London ee dalkaasi.

Sida ay wararku nagu soo gaareen, waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan sedax qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay magaalada London asbuucan gudahiisa, waxayna dadkaas u dhinteen cudurka halista badan oo loo yaqaan Coronavirus.

Markii ay taariikhda aheed 24-ka bisha March waxaa magaalada London ku geeriyooday Abdikadir Maxamed Farah ku magac dheer Biriq, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus sida ay sheegeen ehelkiisa, sidoo kale Abdikadir Maxamed (Biriq) wuxuu ahaay cayaartoy dheeli jiray kubada cagta, wuxuuna caan ku ahaay geyiga Soomaaliyeed intuusan dalku burburin.

Sawiir : Allaha unaxariisto Abdikadir Maxamed

Dhinaca kale waxaa 27kii bisha March isla magaalada London ku geeriyooday Axmed Caynaashe iyo Maxamed cilmi oo ahaay laba ganacsato ku caan ah magaalada London, waxaana la sheegay in labada marxuum ay u dhinteen cudurka Coronavirus.

Sawiir : Allaha unaxariisto Axmed Caynaashe

 

Sawiir : Allaha unaxariisto Maxamed Cilmi

Dhiimashada naxdinta leh soo gaaray dadkan ayaa aad looga naxay, waxaana laga cabsi qabaa inuu cudurkan kusii faafo Soomaalida kunool magaalada London ee dalka Ingriiska.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.