Xoghaynta gudiga Doorashadda ayaa loo magacaabay Fadumo Mohamed Cali oo ku magac dheer Fatima Gaab, waxaana goor sii horeysay mar laga cayriyay Madaxtooyada kadib markii ay soo baxday in AlShabaab ay la shaqayso.

Fatima Gaab waxay ka tirsan tahay amniyaatka Al Shabaab qaybaha lacagaha kala gudbiya iyo amniyaatka ka hawlgala dalalka East Africa.

                         Sawir : Fatima Gaab

Xog sirdoonka Somalia xiligii madaxwayne Hassan Sheikh ay kaydiyeen ayaa sheegaysa in Fatima ay ku lug lahayd qaraxyada Madaxtooyada iyo maqaaxidi LA Chameer ee Djibouti.

Kadib fashilka sirtaas ayuu Fahad Yasin kulan uu la qaatay Fatima Gaab, wuxuu u sheegay inay fashilan tahay ayna u fiican tahay in soo hawo badalato, kadibna dalka Turkey ayuu waxbarasho uga soo dhameeyay si loo hilmaamo.

Fatima Gaab waxay ka hoos shaqaysaa Mahad Karataay, Ali Dheere iyo Maxamed Xaashi Labajir oo ku magac dheer IKHLAAS kaas oo ay diyaaradaha drones-ka dileen.

Waayihii danbe waxaa loo badalay in ay dhex-gal ku samayso siyaasada dalka, waxaana laga la hadlay Fahad si uu dhex galiyo hay’addaha dowlada.

Fatima waa qof ay doon doonayaan sirdoonada geeska Africa, gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, waxayna ku eedaysan tahay qaraxyo fara badan.

Shaqada ay hada qaban doonto waa u adeegida danaha Al Shabaab ay ka leeyihiin xildhibaanada soo socdo, waxayna xoghayn u tahay gudoomiye Cirro oo ay ku qasbi doonto inuu soo saaro xildhibaanada ay rabaan kooxda Al Shabaab.

Waxaa qorshahaan isla agaasimay Mahad Karataay iyo Fahad Yasin, waxaana loo dhiibay fulinteeda Abdinur Mohamed oo ku qasbay Mohamed Cirro inuu Fatima Gaab xoghayn ka dhigto.

Wixii ku soo kordho kala soco Halgan Media.