Rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab oo gaaraya ila sedax nin ayaa darawal wato mooto bajaaj shalay galabta waxay ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha oo dhaco duleedka caasimada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay, markii shalay sacado ay ahayd 17:24 (5:24PM) galabniimo waqtiga bariga afrika ayey kooxo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab wiil bajaajle waxay ku dhex toogteen motadisa

Sida aan xogta ku helnay, darawaalka Bajaajka ayaa gudaha u galay Bajaajkiisa. Markii uu isku deyey in uu furaha geliyo Bajaajka, waxa kor istaagay sedax nin oo bistooladood ku hubeysan, kadibna rasaas ayey ku fureen darwaalka, wuxuuna marxuumka islamarkii ku dhintay, goobta sida ay Halgan Media u xaqijiyeen dad goobjoogyal oo diiday inaan magacooda shacino sababa amni awgeed.

Dilka kadib, sedaxda dableyda ayaa goobta ka baxsaday, waxana labo saac kadib ururka Al-Shabaab ay sheegteen masuuliyada dilka, iyagoo oo marxuumka ku eedeyen in uu ahaa askari katirsanaa ciidamada dowlada!!!!

Waa Kuma Qofka Bajaajlaha Ah Ee La Dilay?

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in uu marxuumka lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdinuur Maxamed Cali oo ku magac dheer Maxamed Ordhaaye. Wuxuuna dhashay biloowgi sideetenmeydi, isagoo ahaa curudka qoyska uu kasoo jeedo.

Marxuum Maxamed Cabdinuur Maxamed Cali, abahsis waxa biisha December ee 2008dii magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Howlwadaag ku dilay ciidamada Itoobiyanka. Wiixii maalintas ka dambeeyay wuxuu noqdo masuulka qoyskis (head of household). Dadka aad ugu dhow marxuumka oo aqoon u leh ayaa si la yaab leh ugu felcliyay eedeymaha kasoo yeeray Al-Shabaab ee ku saabsan in uu marxuumka ahaa askari katirsan ciidanka dowlada.

Haase yeeshe, marxuumka waqtigiisa ayaa intaas ku ekaa , waxana maalin cad toogtay rag hubeysan oo katirsan Amniyatka Al-Shabaab!!!

Halgan Media