Askari ka tirsan Ciidamada Ismaamulka Tigreega ayaa lagu soo warramayaa in saaka dad shacab ah uu ku rasaaseeyay magalaada Maqaale ee caasimada ismamuulka Tigreega.
Inta la xaqiijiyay waxaa falkaasi ku dhintay hal Qof oo uu mid ka mid ah ahaa dadka ka Qayb galaay dibadbaxyo ka dhan ah Ismaamulka Tigreega. Askarigii ka dambeeyay dilkan ayaa la sheegay in uu goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Ismaamulka Tigreega oo ku aadan dhacdadaasi. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Gobolka Tigreega ka tagaan xiisad xoogan u dhaxeeyo Qar kamid dadka degaanka iyo Mamuulka Tigreega.
Hoos Ka Daawo Sawiirada
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.