Qaramada Midoobay ayaa ka deyrineysa xaalada barakacayaasha kunool gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Benshangul sida uu qorayo wargeysta dalkaa kaso baxa ee lagu magacaabo Addis Standard.

Qaramada midoobay qeybta qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ka badan 64,594 barakacayaal ah ay dib udajin usameyeen kuwaa oo horey uga soo barakacay ismaamulka Bengshangul, balse 37,000 oo kamida 64,594 oo dib udajin loo sameyay ayaa guryahodii dib uga barakeen sida ay hadalka udhigeen.

Barakacayaasha gaaraya 37,000 oo kamid ahaa 64,594 ee guryahooda dib uga barakacay ayaa hada kunool xeryo qaxooti oo kuyaala galbeedka wollega oo katirsan ismaamulka Oromada.

Arintaan ayaa layaab kunoqotay dad badan oo falanqeeya siyaasada Itoobiya, iyadoo midaan bananka soo dhigeysa tuhunka tilmaamaya in Itoobiya ay kujirto xiligani marxalad aad u adag..

Halgan Media.