Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa bartooda Twitter-ka ay ku leeyihiin waxa ay ku sheegeyn in ay  gacanta kusoo dhigeen  dagaalyahan ka tirsan ururka Alshabaab xili uu  maraayey bar-koontorool oo ay ciidamadu amaanka ku leeyihiin ex-Koontorool  Afgooye.

Waxa ay sheegayn in uu ahaa sarkaal Alshabaab u qaabilsanaa sameynta  qaraxyada iyagoo soo qabashadiisa ku sheegay in ay tahay guul dhanka amaanka ah oo ay gaareyn isla markaasna uu wax badan iska badeli doono amaanka Caasimadda.

Waxaa la filaayaa in dhawaan wasaarada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si faahfaahsan  kaga hadasho  sarkaalkaan ay ciidamadda amaanku soo qabteen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.