Laba qarax oo ismidaamin oo ka dhacday goob ciyaarta lagdinka lagu soo bandhigo aya la sheegay iney ku dhinteen 20 qof, 40 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ugu horreeyey oo goobta ciyaarta lagu soo bandhigo ka dhacay waxaa ku dhintay 4 qof.

Qaraxa labaad oo loo adeegsday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa isna lagu beegsaday shaqaalaha gurmadka degdegga oo ku howlanaa qaraxi hore ee dhacay.

Qaraxa ismidaminta ee labad ee gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay 2 wariye oo ka tirsaneyd warbahinta Tolo news, afar kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadaasi ayaa waxay ka dhaceen deegaan ay ku badan yihiin bulshada shiicada.

Madaxa warbaahinta Tolo Lotfullah Najafizada, wuxuu Tweeterkiisu uu ku qoray iney qaraxaasi ay ku waayeen laba wariyeyal oo qaali ah.

Qaraxyadaasi oo ilaa iyo hadda ay jirin cid sheegatay haddana waxaa qaraxyo noocan oo kala ah degmada Dasht-e-Barchi horay uga sameeyey ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS.

Degmada qaraxyadaasi ay ka dhaceen ee magaalada Kaabuulna waxaa deris la ah qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.