Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa dhawaacmay, kadib markii shil gaari uu ka dhacay magalaada Qabridahare ee xaruunta gobolka Qorahay.

Shilkaas ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaada ah iyo mooto Bajaaj, waxaana halkaas ku dhawaacmay wadihii mooto Bajaajta iyo ruux kale oo shacab ah.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa la jiifiyay Isbitaal ku yaala magalaada Qabridahre ee gobalkaasi sida ay sheegay dadka degaanka oo la hadlay Halgan Media.

Shilalka sidan oo kale ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan deegaanada ka tirsan Ogadenia, kuwaasi oo khasaaro kala duwan geysta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.